Wadankii la dhihi jiray somalia (jumlad iga yaabisay)
Mohamed Osman A.
Bridging Data & Dirt | Climate-smart Agriculture | CCADRR | Anticipatory Actions | IWRM | Agroforestry Systems | Agribusiness Developer | MEAL | Research Aficionado.
waqti waqtiyada kamid ah anigoo akhrinaya bug kamid ah buugaagta afka soomaaliga ku qoran ayaan ku arkay jumlad aan aad ula yaabay oo aan fahmi waayey waxa qoruhu uu ugala jeeday ,waxay noqotay arin maalmo badan aan maankayga ka go’in inaan su’aalo badan iska weydiiyana ay igu dhalisay.
Su’aalahaan isweydiiyey ayaa waxaa kamid ahaa anigoo ku sugnaa magaalada madaxda dalkeena soomaaliya ee Muqdishu, “hada xagee joogtaa?, ma dal aan soomaaliya ahayn ayaad ku nooshahay oo dalkaad ku nooshahayse maxaa la yiraahdaa? Dadkuse miyeysan dadkaagi ahayn oo soomaaliba maaha miyaa?
Wuxuu doonaba qoruhu ha uga jeedee,su’aalaha ka sokow waxaa ii soo baxday bal inaan si dhab ah ufaaqido jumlada ah (wadankii la dhihi jiray Soomaaliya) anigoo isaga tagay a ujeedka aanan fahmin ee qoruhu watay. Waxaan aad uga fakaray anigoo ku dabaqaya jumladaas aan kor ku sheegay xaalada dalkeenu ku jiro waa haatane iyo nidaamyada igula muuqda kuwo aanan ku haboonayn dal iyo dad sida dadkeena iyo dalkeena ah.
Aan gunta hoose udhaadhaco waxaan kala jeedaa nidaamka (federalism-ka) oo laga hirgelinayo qaybihii haray ee dhulka Soomaaliya iyadoo kuwii horay nidaamkaas urabay ay utahay il-guul bidhaameed oo (waa sidaan rabayoo si lagu daray). Mar walba waxaan maqalnaa Soomaalida waa ummad isku dal,diin,dad iyo dhaqanba ah oo aan lakala sooci Karin iyadu inay isa soocdo mooyaane,balse wixii horeba waxbaa ka dambeeyey oo arin aanan la filayn ayaa ummadii ku habsatay weliba loo qurxiyey iyaguna dan moodeen.
Dad badan ayaa macquul ah inay maanka ku hayaan shanti Soomaali oo dib isu hanata,astaantii midnimo oo soomaalida lagu yaqaanayna dib usoo bandhigta balse sow naxdin iyo mucjiso kuma noqonayso markay maqlaan labadii hartay ayaaba shan iyo dheeraad loo kala qaybiyey. Dalkeena oo in cabaarba ah xaalad dagaal iyo dar xumaba isaga jiray ayaa dhibaatooyinka ku dhacay ka sokow waxaa walbaba uga darnaaday dadkii soomaaliyeed oo intay iska neceen magacyo kale ka samaystay iyadoo waqtiyada qaarkiis xitaa ay dhacdo in dad dhalasho ahaan soomaali ah (sow soomaali matihiin )markii la yiraahdo ay caroodaan dalkiina ay arintaas sharaf xumo baday ceebna uu meel la istaago la’yahay isagoo (waa dalkee) dalalka kale ee caalamka yaxyax dartiis waxyaabo kaga haray oo waayo dal dadkiisuba dayaceen cid danaynaysaa ma jirto.
Waxba yaanan hadalka badin oo hadii labadii qaybood ee soo hartay ay ku qanacsanyihin inay dhul iyo dad ahaan ukala tagaan miyeysan jumlada iga yaabisay aysan iga saxsanayn oo waxaan la yaababa majiraan inaan rumaystaa waa dhab. Tusaalayaal nool, burburkii markuu dhacay deegaanada wuqooyi ee Soomaaliya waxay ku dhawaaqeen madaxbanaani iyo inay ka go’een intii kale ee soomaaliya baxsadeena (Somaliland).
Arintaas mid ka duwan ismaamul goboleedyo ayaa Iyana hirgalay oo deegaano kale ka askummay iyadoo maamuladaas sida (Somaliland) aysan shaacinin madaxbanaani iyo ka go’itaan balse magaca ayey Iyana badasheen sida maamul goboleedka (Puntland),(Galmudug) iyo (xibin iyo xeeb). Waxaase wax kasta ka daran in mid weliba uu samaystay calan iyo astaan ugaar ah oo ka duwan astantii qaranka Soomaaliyeed.
Ku darsee madaxweynayaal ayuu mid weliba samaystay ummadiina waxay noqdeen inay goboladooda u ekaadeen,nin welibana ee gobolkiisa muwaadin uyahay. Waxaa meesha ka baxay magacii ummada Soomaaliyeed balse baxyee maxaa badalay? Waxaa badalay ummad aanan is rabin iyo gobol jcelaysi ummad maankoodu buuxiyey.
Waxaad maqlaysaa muwaadiniinta iyo madaxweynaha maamul X oo dhigooda muwaadiniiinta iyo madaxweynaha maamul Y ku soo dhaweeyey xarunta maamul X. Si walbo oo wax isku badalaan intaas oodhanba waxaa ka darnaaday markii lagu taliyey in Soomaalida nidaamka federalism-ka lagu dabaqo oo lakala geeyo markii horaaba la rabin soomaali midowda oo dib isugu soo laabata.
Waqtiga hada la joogo federalism-ka inta laga hirgeliyey iyo kuwa gooni isu taaga jeclaadayba Soomaaliya wax ka hoos dhashay maamulo dano gaar ah laga leeyahay. Aan idin tusaaleeyo maamuladaas;
v Somaliland oo gooni isu taagtay.
v Puntland.
v Jubbaland.
v Koonfur galbeed soomaaliya.
v Galgaduud iyo mudug.
Iyo gobolada hiiraan iyo shebeelada dhexe oo iyaguna lagu tala jiro in maamul loo sameeyo.
Qore: Mohamedshukri Osman abdulkadir
Mogadishu-somalia
?Date: April 28, 2015