Imisa buug ayaan akhriyaa?

Imisa buug ayaan akhriyaa?

Maya, Imisa buug ayaad akhridaa sannadkii? waa waydiinta ugu badan ee la is waydiiyo inta ku dhex jirta bay'adda akhriska iyo qoraalka. Tirada buugaagta ay tahay inaad sannadkii akhrido waxay ku xidhantahay yoolalkaaga, xiisahaaga akhriska iyo wakhtiga aad hayso.

Akhrisku waa quudka maskaxda, waa laf dhabarka horumarkaaga. Qofba qofka uu ka akhris badan yahay ayuu ka horumarsan yahay nolosha casriga ah ee maanta. Akhrisku wuxuu cariyaa isbeddelka, wuxuu dhisaa kalsoonida qofka. Maanta halka aad joogto iyo sannad kaddib halka aad joogi doontaa waxay ku xidhantahay hadba inta buug ee aad akhrido. Akhrisku waa mid kamida caadooyinka haddii aad la qabsato aanad ka xiise goynayn oo kuu noqonaya saaxiib aan kula murmin, kaa cadhaysiin, ku xaman, dhabarka aan kaa toogan ee wanaag mooyee cillad kale aanad ku arkay.

Dadka inta badan la ogyahay warbixinnohooda wax akhris waxa kamid ah Bill Gates oo sannadkii akhriya 50 buug (qiyaastii hal buug todobaadkii), Warren Buffett wuxuu ku qaataa ilaa 80% waqti maalintiisa akhris, wuxuuna akhriyaa boqolaal bog maalintii. Aqoonyahannada iyo dadka aqoonta sare leh waxay akhriyaan celcelis ahaan 20–50 buug sannadkii, iyagoo ka faa'iideysanaya akhriska si ay u kordhiyaan aqoontooda. Dadka caadiga ah waxay sannadkii akhriyaan qiyaastii 4–12 buug, iyadoo ay ku xidhan tahay waqtigooda iyo waxa ku dhiirigelinaya akhriska.

Si aad u noqoto akhriste wanaagsan:

1. Samee yool akhris: Hadafyo cad iska dhig, tusaale ahaan, akhrinta 1 buug bishii ama 12 buug sannadkii.

2. Isu diyaari mawduucyo kala duwan: Akhri buugaagta ka hadlaya arrimo kala duwan si aad u kobciso aqoontaada meelo kala duwan.

3. Xulo buugaag xiiso leh: Akhrinta buugaagta aad xiiseyneyso waxay kordhisaa dhiirrigelinta iyo joogteynta.

4. Samee waqti go'an oo aad akhrido: Si joogto ah waqti u qoondee akhriska maalin kasta.

5. Adeegso habka akhriska degdegga ah (Speed Reading): Haddii aad rabto inaad kordhiso tirada buugaagta aad akhrido, habkan ayaa kaa caawin kara inaad ku akhrido buugaagta waqti yar.

6. Ku biir kooxo wax akhris: Kooxa qaarbaa bishii hal buug wada akhriya, kuwo kale laba iyo wax kabadan. Waxay isugu yimaadaan kulan falanqeyn iyo gorfayneed oo xiise u yeelaysa joogeynta akhriska.??

7. Adeegso xeeladda Pamadero:

Hawlqabso: Akhris buug

Daqiiqadaha akhriska: 25 Daqiiqo

Nasasho: 2 Daqiiqo (Yara kac oo koob biyo ah soo shubo)

Dib u bilow haddana ilaa inta aad ka gaadhayso wakhtigii aad u qorshaysay sida hal saac oo kale.

Muhimad intee leeg ayuu leeyahay akhrisku?

Korodhka aqoonta: Akhriska joogtada ah wuxuu ku dhiirrigelin jiray aqoonyahannada Muslimiinta inay ku sii socdaan cilmi baadhistooda, islamarkaana ay kobciyaan fahamka diinta, falsafadda, xisaabta, caafimaadka, iyo culuumta kale.

Xoojinta diinta iyo dhaqanka Islaamka: Akhriska wuxuu ahaa dariiq ay aqoonyahannada Muslimiinta u isticmaaleen inay ku xoojiyaan fahamka diinta iyo dhaqanka Islaamka, taasoo ka dhigtay inay fahmaan Qur'aanka iyo Xadiiska si qoto dheer.

Isbeddelka iyo horumarinta Bulshada: Aqoonyahannada Muslimiinta waxay akhriska u arkeen dariiqa ugu wanaagsan ee lagu horumariyo bulshada, iyagoo isticmaalaya cilmigooda si ay uga caawiyaan horumarka bulshada iyo caafimaadka guud.

Tusaale, Finland waa mid ka mid ah dalalka ugu akhriska badan Yurub, waxaana qofka celcelis ahaan akhriyaa 16-18 buug sanadkii. Heerka waxbarashada ee sare iyo dhaqanka maktabadaha ayaa gacan ka geysta arrintan.

Akhriska maxaa ka dhasha?

Waxa ka dhasha fikir. Sidee? Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac ‘’Gaariye’’ Alle ha u ramado’e waxa laga hayaa: ‘’ Qofkastaa wuxuu fikiri karaa hadba inta uu ereyo haysto.’’ Sidoo kale Alberto Einstein wuxuu yidhi: ‘’Waxbarashada macneheedu ma aha inaad barato xaqiiqooyin, balse waa inay maskaxdaada ku tababartaa inay fikiri karto.’’ Labadaa aqoonyahan waxay inoo muujinayaan ereyada aynu akhrinaynaa inay maankeena ku tababarayaan fikirka oo ina dhaxalsiinaya garasho saraysa, fahan dheeriya iyo fiiro-dheeri.

?

?

Guuleyso!? ??

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.?????

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh?[email protected]??????

Tixgelin.

--------------------------------------------------? ??

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)? ??

Android/Samsung:?https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs? ??

(IOS/Iphones):?https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164

要查看或添加评论,请登录