Heshiiska Somalia-Turkiga u dhaxeeya Somaliland muxuu saameyn ku leeyahey.

Heshiiska Somalia-Turkiga u dhaxeeya Somaliland muxuu saameyn ku leeyahey.

Sanadkan cusub intaan la gelin waxa Dalka Djbuti ku kulmey Sadex madaxweyne oo kasoo kala jeeda Somaliland, Djbuti iyo Somalila kuwaas oo kawada xajoonayey in dib loo furo wada hadalka Somaliland iyo Somalia u dhaxeeya kuwaas oo guul ka gaadhey arintaas kuna soo af jarey in wada hadalka lasii wado oo bil dhexdeed arinta waji cusub loo yeelo taas oo nasiib darro aan dhicin sida aan ka arki doono tallabooyinka ay qadeen labada dal ee isu tegey, Tariikhdu markey aheyd 01.01.2024 waxa Ethobiya ku kulmey Madaxweynaha Ethobiya Abiye Axmed iyo kan Somaliland Muuse Biixi iyagoo heshiis hordhac ah gaadhey kaaso oo Ethobiya ku heleyso 20km oo bad iyo dhul isoogu jira sida kalena Somaliland aqoonsi ku heleyso dhinaca Ethobia ah iyo sheer 30% diyaarada Ethiopian Airline heshiiskaas oo iska caabin xoogan kala kulmey dadweynaha Somaliland iyo Somaliya iyadoo mudaaharaadyo xoogan ka dhacdeen gobolda awdal iyo togdheer sidoo kale magaalo madaxda Somaliya ee moqdisho, iyadoo intaaso keliya ku joogsan ee falcelin xoogan ay dawladda somaliya ka keentey arintaasi kuna sifeysey faragelin shisheeye oo dhulka Somaliyeed lala damacsanyahey, taas awgeedna dhawur talaabo u qaadey oo ah iney Ethobiya ka dacweys Qaramada midoobey iyo beesha caalamka, Golaha amaanka iyo sidoo kale ay dhawur heshiisyo oo xulafeysi iyo dhisid ciidan la gashey dalal ay la saxiibo tahey oo heshiiskan Somalia iyo Turkiga u dhaxeeya ugu tun weynyahey, sidoo kale dawladda Djbuti ayaa falcelin arintan ka muujisey tageero buuxdana siisey dawladda Somalia dhaleeceynna u dirtey Dawladda Ethopia sidoo kalena heshiis la gashey dalal ay sxb dhaw yihiin taas oy u jeedada ugu weyn ay tahey ilaalinta xeeba Dalka Somaliland ay darisnimada iyo bulshowadaaga yihiin, marka labadaa dal laga yimaado inta badan dalalka aduunka iyo dariska ah waxey ay tageero u muujiyeen Somalia dalalkaas oo isoogu jira dalal waawyin, kuwo yaryarba iyo darisba uguna horeyaan dalweynayaasha Mareykan iyo Shiinaha.

Heshiiska Somalia iyo Turkiga dhex marey hadaan dib ugu laabanno walow aan la shaacin, xogtiisana sir laga dhigey hadana sidey saxaafaddu sheegtey dhawur qodob ayaa laga heli karaa oo kala ah;

1. In uu heshiisku socon doono muddo 10 sano ah.

2. Ilo dhaqaale oo dheeri ah oo caawin kara kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.

3. Waxay fasaxday how-gallada cirka, dhulka iyo badda inay si wadajir ah u wada howlgalaan ciidamada Turkiga iyo Soomaaliya iyo mideynta shuruucda badda ee labada dal.

4. Qeyb kamid ah heshiiska Turkiga waxaa loo oggolaaday inuu difaaco madax-bannaanida dhuleed, cirka iyo xeebaha ee Soomaaliya ee aagagga gaarka ah ee dhaqaalaha iyo meelaha isku-xiran iyo in lala dagaallamo dalalka iyo kuwo hun-gureeya, iyo sidoo kale in laga hortago dhammaan noocyada falalka sharci-darrada ah, sida burcad-badeedda, argagixisada, kaluumeysiga sharci-darrada ah iyo daadinta walxaha qashinka nukliyeerka iyo kuwa shucaaca leh.

5. Waxa lagu heshiiyay in horumarinta warshadaha dhismaha maraakiibta iyo dhismaha dekedaha guud ahaan xeebaha Soomaaliya iyo dhismaha xarumaha hal dal kaliya iyo qaar wadajir ah iyo sameynta aagagga amniga Soomaaliya.

6. Taageeridda tababarrada, farsamada iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliya.

7. Wuxuu caawinaya heshiiska habeynta iyo iswaafajinta sharciyada badda, maareynta kalluumaysiga iyo habeynta hagitaanka.

8. Bixinta kaalmo farsamo oo ay ku jirto tababarida iyo qalabeynta ciidamada badda ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa warar lagu heleya in hishiiskan ku lug leeyahey heshiisyo ganacsi oo u dhaxeeya shirkado khaas oo laga leeyahey Somalia iyo Turkiga kuwaas oo ka shaqeyn doona horumarinta kaluumeysiga Somalia sidoo kalena ka shaqeyn doona dayactirka laamaha Amaanka ee Somaliya qalabka kala duwan ee ciidamada badda iyo poliska.

Waxa sidoo kale xusid mudan in heshiiskan si duduub ah lagu ansixiyey golaha barlamanka iyo sidoo kale golaha wasiirrada dawladda Somalia iyadoon qodobadiisa laga doodin ee lagu gunaanadey uun in danta Somalia ku jirto waa sida uu madaxweynaha Somalia sheegey ee in isiga lagu aaminona weydiistey xildhibaannada.

Marka hadaan dib ugu laabanno heshiiskan Somaliland saameyn maku leeyahey? Se haduu ku leeyahey intee in leeg ayey saameyntaasi tahey ama gaadhi kartaa? Sidoo kale Somaliland heshiisan mid la mida dalalka kale ma geli kartaa ama Turkigaba? Sidoo kale suaasha ugu muhiimsan waa maxey (Udub dhexaadka) aragtida Somaliland ee xidhiidka debedda ku saleysan?

Suaasha kowaad hadaan ka bilaabno jawaabtu waa Haa waayo Somaliland dal la daris ah oo arimo ganacsi, bulshowadaag iyo degaan wadaag ay yihiin ayaa lala galey oo Somalia ah, se hadaan nidhaahno saameyntaasi intey leegtahey, sidey xildhibaano Somaliland sheegen oo arintan ka hadley oy dawladda Somalilandna sheegtey in heshiiskan marnaba khuseyn degaanka Somaliland iyo xuduudeeda dhuleed iyo badeedba dawladdana looga baahanyahey in jawaab ka bixiso tallaabada, sida iney isoogu yeedho golaha Barlamanka iyo golaha Guurtiga kuna dhiiri geliso ka hor yimaadka talaabadan ayga oo u arka farogelin khalkhal gelin karta xasiloonida dalalka bariga afrika.

Waxa kaloo xusid mudan in Somalia illa hadda sheegatto degaanka dawladda Somaliland kuna andacootta labada dal iney midnimo ka dhex jirto taaso Somaliland waxba kama jiraan ku tilmaantey taasna ay udub dhexaad u noqon karto saameynta heshiiskan ka dhalan karta wakhtiyada soo socda si in iska hor yimaad dhaco ama xuduudda badda laysku qabsado taaso ay ka dhalan karto khalkhal hor leh oo bariga afrika ka dhaca arintaasna uga degeyno labada dhan kuna dhiiri gelineyno iney khilaafka u dhaxeeya ku xalliyaan iyadoon farogelin shisheeye dhicin.

Hadaan suaasha leh Somaliland heshiiskan mid la mida ma geli kartaa?, Jawaabtu waa haa iyadoo labada daraf ee heshiiska geleya ku xidhantahey kuwaaso aayahooda iyo faaidooyinka heshiiska ka heli karaan afgarad isku gaadhi kara, sidoo kalena Somaliland mar hadey tahey dal dhameystirtey dhamaan shuruudaha dawladnimo iyo dalnimo oo hadda u hano qaadey ictiraaf raadin iyo wado shaqeyn dalalka aduunka ayaa heshiisyo kan la mida geli karta balse aan kula talinayno iney saxiibada istratiijiga ah lo fiirasdo sida dalalka diinwadaag iyo dhaqanwadaag sda Djabuti ama degaan wadaaga sida dalalka bariga dhexe ama aragtiwadaaga yihiin sida Taywan oo aragtida madax banaanida wadaagan.

?ntaa marka aan ka nimaadno Udub dhexaadka xidhiidhka debedeed ee Somaliland waxa lagu fasiri kara dhawur arimood, waa kaw ee mabda’a Ictiraaf raadinta oy Somaliland dhawur iyo sodonkii sano ee soo dhaafey fagaaraha dawliga ah iyo kuwa gudahaba hirgelintiisa ka shaqeyin jirtey, kuna dhiiri gelin jirtey dhamaan muwadiniinta reer Somaliland iney safiir is xilqaamey si Somaliland aduunka looga suuq geeyo ka shaqeyaan, sidoo kalena dalalka ay jogaan qurba jooga Somaliland losoo magacaabo safiir shaqooyinkooda u tayasiira kana shaqeeya isku heyntooda iyo isku dabridka hawula qurbajoognimo sida jaaliyadda ururka ardeyda iwm.

Mabda’a labaad ayaa ah iska caabinta cadaadiska kaga yimaada dalka dariska yihiin ee Somalia kuwaas oo dhawur siyaasadood u dhigey sida ka hor tagga midiyaha Somalia ee ku saleysan midnimo doonka iyo isku xidhka haayada dawliga ah ee ka hawul gala gudaha labada dal ee Somalia iyo Somaliland, sidoo kalena ka hor tagga fiditaanka mashaakilaadka ay Somalia la daala dhaceyso sida argagaxisada, budhcad badeedka, musuqa baahsan iyo sidoo kale dawlad la’aanta ka jirtey Somalia iyadoo hadda kasoo kabattey kana shaqeyso dhawur melood oo kamida.

Gunaanad:

Hadaan is weydiinno Somaliland sidey heshiiskan jawaab dublomasiyadeed oo haboon uga bixin karta? waxa ay ila tahey in jawaabta ugu haboon ay tahey jawaabta u sheegey Xildhibaan Guruuje taaso ah in labada gole moshin la hor keeno kaaso lagaga hadlayo heshiiskan lidka ku ahaan kara qaranimada Somaliland, sidoo kale jawaab dawli ah si loo qabto waxey ila tahey iney tahey in Somaliland wada hadal u furto dalalka waqooyiga qubrus iyo qubrus taas lagu dhexdhexaadin karo si waafaqsan aragtida Somaliland ee arimaha debedda sidoo kale waxa xusid mudan in Somaliland ay wajaheyso xaalado adag oo ku saleysan isu gooshka mashaakilaadka ka jira bariga dhexe iyo dhamaan aduunka sida dagaalka ka dhacey falistiin 7 October kasoo sababey in badda cas iska hor yimaad ka dhaco u dhaxeeya xoogaga xuutiyiinta, mareykan iyo ingriis, sidoo kale dagaalka Ruushka iyo Ukrain oo saameeyey xasiloonida sicirka cuntada siiba daqiiqda iyo raashinka kaladuwan, taas oy raacdey khalkhal ku yimaadey laamaha ganacsi ee kala duwan iyo sicir bararka shidaalka ku dhacey sidoo kalena dagaalo sokeeye oo biloobmey gudaha Somaliland kuna khatimey jabkii 25 agust ee sanadkii lasoo dhaafey, iyo doorashadii oo dib loo dhigey taaso hubaalti la'aan gelisey dhaqaalaha Somaliland iyo khalkhal hor leh oo hoos u ridey kalsoonida Shacabka Somaliland taaso lagu xelin karo in siyaasad hufan oo ku saleysan horumar, isu tanaasul iyo xukuumad shacabku doortey oo muddo kordhin iyo qas horseedin kana shaqeysa isu keena bulshada Somaliland Bari iyo Galbeedba wbtf.

Xigashooyinka (Ilaha):

https://horseedmedia.net/baarlamaanka-soomaaliyeed-oo-ansixiyey-heshiiska-turkiga-iyo-soomaaliya-387401

https://hadhwanaagnews.ca/articles/44418/Xasan-Sheekh-Oo-Qalinka-ku-Duugay-Heshiiska-Difaaca-Badda-Ee-Turkiga

https://www.facebook.com/100082410024688/videos/387976826956263

https://www.facebook.com/watch?ref=search&v=1016217819479504&external_log_id=0b23b85a-b381-45bc-bef7-d08ca12aa2d9&q=mudaharaadka%20burco%20ee%20heshiiska%20itobiya

https://www.facebook.com/degmadalughaya24/videos/396670019758650

要查看或添加评论,请登录

Abdirahim Hersi的更多文章

  • Made in Somaliland: A Strategic Vision

    Made in Somaliland: A Strategic Vision

    The production movement in the Republic of Somaliland plays a significant role in the sustainable development efforts…

    2 条评论
  • Devlet en büyük ?neme sahiptir, ancak nihai ?l?üt de?ildir

    Devlet en büyük ?neme sahiptir, ancak nihai ?l?üt de?ildir

    Giri?: Toplum meselelerinde derin bilgi sahibi olan dü?ünür "?bn Haldun"un ??yle dedi?i rivayet edilmi?tir: "Zor…

  • Dawladnimadu waa muhimadda ugu weyn se Qaayaha (Halbeega) ugu dambeeya Maaha

    Dawladnimadu waa muhimadda ugu weyn se Qaayaha (Halbeega) ugu dambeeya Maaha

    Hordhac: Aqoonyahankii “Ibn-khalduun” ee arimaha bulshada ku xeel dheera waxa laga wariyey inuu dhahey “wakhtiyada…

    1 条评论
  • Sustainable Development and the Model of Leading Countries in this Field

    Sustainable Development and the Model of Leading Countries in this Field

    Introduction Sustainable development has become a key goal for countries today, as it is crucial for securing a place…

  • Kudüs ?ttifak? (?nsanl?k ?ttifak?)

    Kudüs ?ttifak? (?nsanl?k ?ttifak?)

    Giri?: Hi? ?üphe yok ki, günümüzde küresel bir ?at??maya tan?k oluyoruz ve üzerinde ?al???labilecek ve tart???labilecek…

  • China and the New Century (China as a Global Power)

    China and the New Century (China as a Global Power)

    Some may wonder why I didn't specifically mention this nation or these people, as some prefer to describe them, in my…

  • Al-Quds Alliance (Alliance of Humanity)

    Al-Quds Alliance (Alliance of Humanity)

    Introduction: There is no doubt that we are witnessing a global conflict in our present era, and among these conflicts…

  • Sharci u hogaansanaanta (Compliance)

    Sharci u hogaansanaanta (Compliance)

    Sharci u hogaansanantu maxey tahey? Ahmiyedey leedahey se maxey tartaa? Se sidee loogu dhaqmaa? Dhibaato ma leedahey?…

  • Akide mi, Fen bilimleri mi?

    Akide mi, Fen bilimleri mi?

    ???? ????? ?????????? ?????? ????? ??????? ?????: ?????: ??? ????? ????? ???? ????? ???????? ?????: ??????????????…

  • Wadaniyadda

    Wadaniyadda

    intaanan doodda gudo gelin dhawur su'aalod inaad is weydiisid ayaan raba: ma kula tahey inaad dadkaaga (qabilkaaga) u…